Soomaaliya iyo Masar oo ka shiray xoojinta xiriirka xilli ay jirto xiisadda Itoobiya

Image
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal.

Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo wajaho caqabadaha iyo khataraha guud ee ka jira gobolka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha khatarta ah sida khawaarijta.

Mudane Xamsa ayaa Masar uga mahadceliyey taageerada ay siiso, gaar ahaan deeqaha waxbarashada oo ay ka faa’iideystaan ardeyda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mudane Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM