Soomaaliya iyo Masar oo ka shiray xoojinta xiriirka xilli ay jirto xiisadda Itoobiya

Image
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal.

Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo wajaho caqabadaha iyo khataraha guud ee ka jira gobolka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha khatarta ah sida khawaarijta.

Mudane Xamsa ayaa Masar uga mahadceliyey taageerada ay siiso, gaar ahaan deeqaha waxbarashada oo ay ka faa’iideystaan ardeyda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mudane Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM