Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixdey iskaashi dhanka difaaca ah

Image
Xasan Sheekh iyo Al-Siisi ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada qalinka loogu duugay heshiiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-Siisi. 

Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa'id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal. 

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo hal arrin oo Trump la xiriirta xilka uga qaadayo Axmed Maclin Fiqi - XOG

Arrintan ayaa sidoo kale imaaneysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii ay u sii adkeyn lahayd siyaasaddeeda dibadda.

  • Soomaliya

    22-04-2025

  • 06:47PM

Soomaaliya: Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Saddex qof oo kale oo ku jiray maqaaxida ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay sheegeen dadka degaanka iyo kuwa gurmadka ah.

  • Soomaliya

    22-04-2025

  • 05:54PM