Soomaaliya iyo Masar oo xiriirkooda ku xoojiyay khad duulimaad toos ah

Image
Xafladda daah-furidda ayaa lagu qabtay Gegidda diyaaradaha Caalamiga, Aadan Cabdulle.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Jimce ah ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi oo tilmaan u ah bilashada waa cusub oo isgaarsiineed iyo iskaashi oo labada dal ee walaalaha ah yeeshaan.

Xafladda daah-furidda ayaa lagu qabtay Gegidda diyaaradaha Caalamiga, Aadan Cabdulle, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiin sare oo labada dal ah, waxaa madasha goob-joog ka ahaa mas'uuliyiin muuqda oo ay ka mid ahayd Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wasiirka Duuliska Hawada ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Dr. Sameh Al-Hafni, waxaana munaasabadani ay muujinaysay sida ay uga go'an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashiga u dhexeeya si uu u xoojiyo is-dhexgalka gobolka.

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiir Axmed Fiqi waxa uu caddeeyay faaidada kala duwan ee khadka duulimaadka tooska ah ee cusub uu u leeyahay dalka, isaga oo sheegay inuu kobcinayo dhaqaalaha, xoojinayana dalxiiska, isla markaana uu soo jiidayo maalgeshiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ifiyay suuragalnimada inuu kobciyo is-dhaafsiga iyo wax is-weydaarsiga ganacsi ee labada dad oo u horseedaya labada dal fursado kobac aad u ballaaran.

Daahfurka khadka duulimaadka tooska ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna ka tarjumaysaa aragtida ballaaran ee labada dowladood ee ah inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, gaadiidka, duulista hawada, ganacsiga, dhaqanka, tacliinta sare, caafimaadka iyo tababbaro dhinacyo badan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM