Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga dhanka ammaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed oo u wehliyo Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta Magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, iyo caafimaadka, waxaa kale oo la iskula eegay furidda khad duulimaad toos ah oo labada dal dhexmara bisha Luulyo ee soo aaddan iyo in Soomaaliya laga furo laanta Bankiga Masar, waxaa intaasi sii dheer in lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Soomaaliya iyo Masar ayaa leh xiriir iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM