Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka shiray masiirka ciidanka ATMIS

Image
Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa wadahadalo ku yeeshay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson. 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, qorshaha marxaladda kala-guurka ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, tababarrada Ciidamada Daraawishta Booliiska, horumarinta sharciyada iyo qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab. 

Labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta hawlaha qorsheysan iyo ka baaraandegga hawlaha hortebinta uleh amniga sida ugu daqsaha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo nasiib-darro ku tilmaamay guuldarrada dowladda ee dagaalka Al-Shabaab

Kooxda ayaa sanadkan la wareegtay Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas oo kawada tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 08:05AM

Shiinaha oo Digniin u Diray Somaliland isagoo Baalmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya

War-saxaafadeedka, oo si adag u hadlaya, ayaa lagu sheegay in booqashada…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 06:39AM