Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay maalgashi iyo ganacsiga

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay Khalid bin Abdulaziz Al-Falih, Wasiirka Maalgashiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay Khalid bin Abdulaziz Al-Falih, Wasiirka Maalgashiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Labada wasiir ayaa kawada hadlay dhiirrigelinta fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya u soo bandhigeyso maal-gashadayaasha Sacuudiga.

Wadahadalladu waxay muujiyeen awooda dhaqaale ee Soomaaliya iyo faa’iidooyinka labada dal ka heli karaan iskaashi xooggan oo dhanka horumarka ah.

Waxaan rajeyneynaa wada shaqeyn wax ku ool ah oo horseedi doonta koritaanka iyo barwaaqada labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM