Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka shiray xoojinta wadashaqeynta

Image
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga saaxiibtinimada labada aqal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Wang Yu oo guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo isbarasho, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga saaxiibtinimada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Shiinaha Ibraahim Awgaab Cismaan iyo xoghaya guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM