Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Image
Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka oo kamid ah Baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS

XHG oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay Waaxda Baarista Waxqabadka, isaga oo Bangiga Aduunka iyo Bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta Waaxda Baarista Waxqabadka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM