Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Munaasabadan oo ka qabsoontey dekada magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa kasoo muuqdey wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga 

Xasan Sheekh ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

"Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM