Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Image
Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM