Soomaaliya: Jubaland oo xirtey saraakiil laga soo magacaabey Muqdisho [Sabab]

Image

KISMAYO ( Garowe Online)- Laamaha amniga ee maamulka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Kismaayo ka qabtay labo sarkaal, kuwaasoo dowladda Federaalka usoo magacowday Hay'adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, gaara ahaan degaanada Jubooyinka.

Saraakiisha ayaa kala ah; Cali Mire Ducaale oo loosoo magacaabay Taliyaha NISA ee degaanada Jubbaland, iyo waliba ku xigeenka Taliyaha, Maxamed Ibraahim, kuwaasoo la sheegay inay haatan ku jiraan saldhig ku yaala meel aan ka fagoyn garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Lama ogga sababta ka dambeysay xariga masuuliyiintaan, balse, saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in loo xiray sababo dhanka amaanka, maadaama aanan lagu soo war-gelin in mas'uuliyiintaan loosoo magacaabay xilalkaas.

Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sida laga soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaasoo magacooda qariyay.

"Ciidamada NISA kama jiraan Jubaland, mana naqaan sababta saraakiishaan loo soo magacaabey, waxaan u qaadanay iney tahay daandaansi la rabo in xiriirka maamulkaan lagu xumeynayo," ayuu yiri sarakaal ka tirsan ciidamada Jubaland oo diidey magaciisa.

Saraakiisha lasoo magacaabey ayaa sida warsidha Garowe online ogaadey waxay kasoo jeedaan qabaa'ilada Raxanweyn iyo Mareexaan kuwasoo kamid ah beelaha ku bahoobey dhismaha maamulkaan. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan hadlin warka ku saabsan in taliyaal ay umagacowday degaanadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ay galab-nimadii maanta oo Talaado ah ay ku xireen garoonka Kismaayo ciidamada Jubbaland.

Talaabaddan ayaa waxay kusoo beegmaysa xili xiriirka ka dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland uusan fiicnayn, taasoo dhowr jeer banaanka timid.

Bishii July ee sanadkaan ayay ahayd markii Taliye ay dowladda u soo magacowday dhanka ciidamada xooga ee degaanadda Jubbaland laga soo celiyay garoonka Kismaayo, kaasoo markii dambe ka degay degmada Garbaaarey, halkaasoo uu howshiisa kasii watay.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili degaano iyo degmooyin ka tirsan goboladda dalka uu ka socdo howlgal balaaran, kaasoo ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga saaro degaanada ay maamulaan, waxaana is-qabqabsigaan la fahansan yahay inuu saameyn ku yeelan karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM