Soomaaliya: Juxa oo ka warbixiyay Socdaalkiisa Gedo

Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka warbixiyay safarkiisa magaalooyinki ku yaalla gobolka Gedo.

Juxa oo hogaaminayo wafdi ka socda labada Golle ee dowladda iyo Agaasiimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa ka dagay shalay Doolow oo ay uga soo gudbeen Beled-Xaawo. Halkan ka akhri.

Sidoo kale wafdi ka ka socda Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan ayaa qeyb ka ah safarka shaqo ee Madaxda ay ku marayaan Balad-Xaawo iyo Doolow.

Wasiirka ayaa ujeedka safarkiisa ku micneeyay u kuur-galista xaaladda magaalooyinka ku yaalla xuduuda Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya, iyagoo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka.

"Anaga waxaan u tagnay Balad-Xaawo iyo Doolow inaan ogaano waxa meesha ka jira, oo dadkana la kulano, sidoo kalena indhaheena kusoo aragno xaaladda dhabta ah ee meesha taalla," ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xal buuxa looga gaari lahaa xiisad soo kala dhex gashay dadka ku nool magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo, ee ku kala yaalla labada dhinac ee xuduuda.

Safarka wafdigan ka socda dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Balad-xaawo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dhul ballaarsi Kenya ka wado gudaha magaaladaasi.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay cabir ka sameynayaan Balad-xaawo, halkaas oo la marinayo darbiga ay dowladda Kenya ka dhisayso xuduuda, waxaana taasi ay sababtay dibadbaxyo rabshado wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM