Soomaaliya: Waa sidee xaalada Mudug kadib dagaalkii shalay?
XARARDHEERE - Shalay oo Arbaco ahayd, waxaa ka dhacay deegaanka Caad oo qiyaasyii 50-KM dhanka Woqooyi uga beegan degmadda Xarar-dheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaasoo geystay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 20 qof oo isugu jira dhinacyadda dagaalamay ah, sida ay kusoo waramayaan qaar kamid ah illo wareedyo madax banaan, oo Garowe Online la hadlay.
Dagaalka oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Xoogaga Al-Shabaab ayaa qarxay kadib markii Malleeshiyaadka deegaanka ay weerareen Tuuladda Caad, oo ay Al-Shabaab maamusho.
Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu ku billowday dagaalkii shalay dhacay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weydiisteen dadka deegaanka dhalinyaro u dagaalama, balse ay ka biyo diideen; warar kale ayaa sheegaya inuu ka billowday muran ka dhashay Zako xoolaha nool.
Billowga dagaalka ayaa waxaa ku awood-roonaaday dadka deegaanka, kuwaasoo qabsaday gabi ahaanba Tuulada Caad, laakiin, Shabaab oo isa soo uruursaday ayaa la sheegay inay dib ula wareegeen shalay gelinkii dambe.
Maamulka Galmudug oo ka hadlay colaadda, ayaa wuxuu sheegay inay ku biireen dagaalka ciidamo laga diray Cadaado, iyagoo garab siinaya dadka deegaanka, ee iska difaacaya Al-Shabaab.
Shabaab oo war qoraal ah kasoo saartey dagaalka ayaa shaaca ka qaadey in cidda ay la dagaalamayso ay yihiin ciidamada Galmudug, islamarkaana "ay gaarsiiyeen khasaarooyin badan".
Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid degan waqti xaadirkaan, inkastoo ay jirto xiisad colaadeed oo laga cabsi qabo inuu mar kale qarxo dagaal kale.
Wararka uu warisdaha Garowe Online halkaas ka helayo waxay tilmaamayaan in Shabaab iyo dadka deegaanka ay wadaan isku hub-uruusasho, iyadoo tuuladda dadka ay ka barakacayaan.
Faah-faahinadda la helayo waxay tibaaxayaan in Al-Shabaab ay xalay weeraratay Baabuur ay la socdeen dad kasoo barakacay dagaalka, islamarkaana ay dib ugu celiyeen halkii ay kasoo carareen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaara ahaan Wasaaradaha arrimaha gudaha, Amniga iyo Difaaca wali wax hadal ah kama soo saarin dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ee ka socda koonfurta gobolka Mudug, ee bartamaha Soomaaliya.
Isku dhacyada noocan ayaa ah kuwa joogto noqday, maadaama aysan dadka Xoolo Dhaqatada ah yihiin kuwa aan ogoleyn ianay siiyaan Al-Shabaab xoolaha ay ku sheegtay ZAKADA, taasi oo ka dhalata in dagaal uu dhexmaro labada dhinac.
GAROWE ONLINE