Soomaaliya: Khasaaraha Qaraxii Zoobe oo kordhay [Tiradii ugu dambaysay]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la dhaaciyay tiradii ugu dambaysay ee khasaaraha dhimashada Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xaflad lagu soo xirayay Barnaamijkii Gurmadka ee Masiibadii Zoobe oo ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho, ayaa Saraakiishu waxay xaqiijiyeen in 75 qof oo kale ay kusoo korartay dhimashada Qaraxa.

Tiradii ugu dambaysay ee uu Gudiga Gurmadka Qaran shaaciyay sanadkii tagey ayaa ahayd 512 qof, waxaana hadda ay noqonaysaa marka lagu daro tirada cusub 587 qof, iyadoo dadka dhaawacmay ay gaarayaan ku dhawaad 400.

Gudiga ayaa sheegay in tirada cusub ee 75-ta ruux ay yihiin dad la waysanaa wixii ka dambeeyay qaraxa markii uu dhacay, oo la xaqiijiyay inay dhinteen iyo kuwa kale oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaarey.

Xafladda oo ay kasoo qeybgaleen Mas'uuliyiin ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Culimo, Bulshada rayidka, marti sharaf iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa gudiga gurmadka waxa uu sheegay in lasoo gaarsiiyay $4.4 Million.

Deeqdan lacageed ayaa ka kala timid meelo kala duwan, iyadoo Jabuuti iyo Dowladda Federaalka ay ku deeqeen min Hal Milyan oo Doolar, waxaa kaalinta saddexaad gashay Puntland kadib markii Nus Milyan oo Doolar ugu deeqday gurmadka qaraxii Zoobe.

Lacagta kale ayaa ka timid Soomaalida ku nool qurbaha, waxaana uu Gurmadka Qaran sheegay in deeqdan la gaarsiiyay 3,748 qoys oo uu saameeyay qaraxa, kuwaasi oo ay kamid yihiin 2,360 caruur ah oo waalidiintooda ku waayay qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM