Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Image
Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM