Baaris lagu bilaabay joojinta Kenya ee duulimaadka Muqdisho-Nairobi
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada ayaa ka hadashay joojinta Kenya ee duulimaadka tooska ah ee Muqdisho-Nairobi, taasi oo lasoo rogay Khamiistii, isla markaana dhaqan-gashay maanta oo Jimco ah.
Wasiirka Duulista Hawada xukuumada federaalka ah oo sheegay in warkaan uu soo gaarey galabnimadii Khamiista ayaa meesha ka saarey in sababo la xiriirta amniga ay Kenya u qaadatay go’aankaasi.
Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] oo tilmaamay in ay wadahadalo ku aadan hakintaasi ay kula jiraan dhigooda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay baaritaan ku bilaabeen sababaha soo dedejiyey talaabadaasi.
"Waxaan hubnaa in sababaha Kenya ku kalifay go’aankaasi aysan ahayn amni … garoonka Muqdisho wuxuu ka amni fiican yahay kuwa kale, marka sababo kale in ay jiraan ayaa dhici karta, laakiin kama horudhaceyno," ayuu yiri.
Wasiir Oomaar oo la su'aallay talaabada ay ku dhaqaaqi doonan marka ay ogaadaan sababta dhalisay arrintaan ayaa ku jawaabay: "Marka aan ogaano sababta dhabta ah ayaan qaadan doonaa go’aanka.
Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista hawada Kenya, illaa iyo 9-ka bisha Agoosto 2019, duulimaadyada ka baxa Muqdisho waxaa lagu baari doonaa garoonka Wajir kahor inta aysan Nairobi ka degin.
Go’aanka ay Kenya qaadatay ayaa ka dhigan in ay burisay is-afgarad ay bishii Maaj la gashay xukuumada Farmaajo oo ku aadan in dib loo bilaabo duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi, oo hakad ku jiray toban sano.
Geesta kale, qaar kamida shirkadaha duulimaadyada dalka oo ka fal-celiyey arrintaan ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid siyaasadeysan, maadaama ay jirto xurguf hoose oo u dhaxeysa labada dowladood.
Rakaabka diyaaradaha maanta u ambabaxay Nairobi ee maray Wajir ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhac badan ay la kulmeen, maadaama waqtiga uu ku korodhay, isla markaana mashquul badan uu jiray.
Markii uu duulimaadku mid toos ahaa, diyaaradaha ka baxa Muqdisho waxay ku tegi jireen Nairobi hal saac, balse haatan oo ay marayaan Wajir waa laba saac, taasi oo ka dhigan in waqtigu korodhay.
GAROWE ONLINE