Soomaaliya oo beenisay war culus oo kasoo yeeray Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in dowladda hada jirta ay Kenya kula jirto wadahadallo ku saabsan muranka dhinaca Badda.

Monica Juma, oo ah wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya ayaa todobaadkii lasoo dhaaftay sheegtay in dowladeeda ay kula jirto Soomaaliya wadahadallo hoose, oo ku saabsan sidii lagu soo afjari lahaa muranka Badda.

Laakiin, wasiir Cawad ayaa gashaanka ku dhuftay warkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlada Soomaaliya ay dooneyso in iyada iyo Kenya ay ku kala baxaan Maxkamada Calaadda Aduunka [ICJ], halkaasi oo xilligan ay taallo dacwadooda.

“Kiiska Badda ee nagala dhaxeeya Kenya wuxuu yaalaa Maxkamada Cadaalada aduunka ee ICJ, sidaas darteeda waxaana rabaa inaan sheego inaanu jirin wax wadahal ah oo aan la leenahay Kenya oo ku saabsan kiiskan,” ayuu yiri wasiirka.

“Waan xishmeynayaa Kenya, waa deris wanaagsan, laakiin hadda ma jiraan wax wadahalo oo rasmi ah oo ku saabsan sidii muranka dhanka bada ee aan ku xalino, sidaas darteeda waa inaad sidaas ula socotaan,” ayuu Wasiirka hadalkiisa kusoo xiray.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu dhar-baaxo kulul ku yahay dowlada Kenya, taasoo u muuqata mid isku deyasa inay hoos udhigto mawqifka Soomaaliya ee ku aadan muranka Badda.

Kenya ayaa dhawaan ku baaqday in faragelinta dibadda laga daayo Soomaaliya, taasi oo dad badan ay u fahmeen inay ula jeeday wadanka Imaaraadka carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM