Soomaaliya oo cambaareysay qaraxa lagu weeraray Cabdalla Xamduuk

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka caalamka ee midnimada u muujiyey ra'iisul wasaaraha Suudaan kadib markii la qarxiyey gaari uu la socdey.

Cabdalla Xamduuk ayaa gudaha magaalada caasimada ah ee Khartuum kaga badbaadey isku lagu khaarijin lahaa.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Si lamid ah, lama ogga sababta uu bartilmaameed u noqdey.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa bartiisa Twitter-ka kaga falceliyey dhacdadaas.

"Waxaan si xoogan u cambaareynayaa isku day dilka ee lala damacsanaa Ra'iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Argagixisada iyo falalkooda foosha xun waa wax aan la aqbali karin, oo ay waajib tahay in la ciribtiro".

"Waxaan garab-taaganahay ra'iisul wasaare Xamduuk iyo shacabka Suudaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cawad.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo Suudaan ay kasoo kabaneyso rabashado ka dhashay mudaaharaadyo meesha looga saarey maamulkii Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasoo haatan wajahaya maxkamadeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM