Soomaaliya oo ciidamo u diraysa South Sudan xilli amnigeeda ku tiirsan yahay AMISOM

Image

ADDIS ABABA - Urur goboleedka IGAD ayaa ansixiyay in Soomaaliya ay ka qeyb noqoto dalalka gobolka Geeska Africa ee ciidamada nabad ilaalinta u diraya dalka South Sudan.

Ciidamadan ayaa ilaalin doona nabad-gelyada dalkan ugu da'da yar Africa, waxaana ay ka shaqeyn doonaan dhaqan-gelinta heshiiska nabadda South Sudan ee dhawaan lagu saxiixay Khartoum.

Ururka IGAD ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay shalay oo Isniin ahayd in Soomaaliya iyo Jabuuti inay kamid noqdaan ilaaliye-yaasha nabada South Sudan, oo tan iyo 2013 dagaalka uu ka socdo.

Go'aankan ayaa lagu gaarey shir madaxeedkii 33aad ee IGAD, kaasoo lagu qabtey Addis Ababa 12-kii bishan September, iyadoo madashaasi lagu saxiixay heshiiska nabada South Sudan.

- Awoodda ciidamda - 

Ururka IGAD ayaa ka dalban doona gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey inuu u ogolaado in Soomaaliya, Uganda, Sudan, Djibouti ay ciidamo geeyaan South Sudan, si ay nabadda u ilaaliyaan.

"Shirka waxaa lagu gaarey in IGAD ay waydiisato gollaha amaanka inay qalinka ku duugaan ciidamada gobolka ka socda [RPF] in la geeyo South Sudan," ayaa lagu sheegay qoraalka IGAD.

War Saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray in natiijadii kasoo baxday shirkii Addis Ababa ay kamid tahay in Taliye-yaasha ciidamada dalalka ku mideysan Ururkan qiimeyn kusoo sameeyaan xaaladda South Sudan kahor inta aan ciidamada loo dirin.

- Dalal nugul - 

IGAD ayaa hoosta ka xariiqday in dalalka gobolka ay ka go'an tahay inay garab istaagaan shacabka South Sudan iyo madaxdooda oo degaal ugu jira inay dalkooda nabad iyo xasilooni kusoo dabaalaan.

Waxaa inataasi dheer in IGAD ay ugu baaqday dowladda iyo mucaaradka South Sudan inay ahmiyadda kowaad siiyaan xoojinta xabad si rasmi ah iyo dhowrida nolosha shacabka, una ogolaadaan inuu gaaro gargaarka bini'aadanimo.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka nugul ee gobolka oo safka hore kaga jirto wadamada ugu nabad-gelyada xun qaaradda Africa, iyadoo amaankeedu ku tiirsan yahay ciidamada AMISOM.

Burundi, Uganda, Kenya, Djibouti iyo Ethiopia ayaa ciidamado gaaraya 22,000 Askari usoo diray Soomaaliya, kuwaasoo ku howlgalaya magaca AMISOM, kaasoo Qaramada Midoobey taageerto.

Lama sheegin tirada Askarta ay Soomaaliya u diri doonto South Sudan, sidoo kalena dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo lagu dhaliilay in amniga dalka hanan waydey wali kama aysan hadlin warka kasoo baxay IGAD. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM