Soomaaliya oo codsatay in albaabada loo laabo xafiiska UN-ka ee Muqdisho

Image
Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal u dirtay Qaramada Midoobay kaas oo ku codsanayso in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) la joojiyo dhammaadka Oktoobar 2024.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wax ay dalabkan u cuksatay "iyadoo la tixgalinayo mudnaantayada istaraatiijiga ah."

“Dowladda Soomaaliya mar dambe ma codsan doonto dib u cusboonaysiinta qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023),” ayaa lagu yiri warqadda uu qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Warqadan ayaa waxaa golaha u akhriyay madaxweynaha hadda ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku daray ajendayaasha looga doodayo fadhiyadda soo aadan.

War-saxaafadeedkan oo ku taariikheysan May, 05, 2024 ayaa waxa uu intaas ku darayaa: "Waxaan aaminsanahay inay hadda ku habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee iskaashigayada".

"Waxaan kalsooni ku qabnaa in guulihii iyo casharradii laga bartay intii lagu jiray joogitaanka howlgalka ay sii wadi doonaan inay hagaan dadaalkeenna ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka islamarkaana dalka Soomaaliya weli ku  tiirsan yahay taageerada caalamiga ah ee dhinacyada muhiimka u ah dib u dhiska hay’daha Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM