Soomaaliya oo guddoomisay shir ku saabsan isgaarsiinta Bariga Afrika

Image
Bangiga Aduunka ayaa qeyb ka ahaa kulankan oo diiradda saarey is-dhex-galka isgaarsiinta gobolka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Maxamed Aadan Macalin iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah Magaalada Nairobi ugu furay Shirka Xoojinta Mashruuca isku xirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.

Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta,horumarinta ganacsiga, la tacaalidda musiibooyinka deegaanka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa sharxay Muhiimadda uu leeyahay Mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa is-dhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Isku-xirka Internetka.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa Bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamada uu ka socdo, waxa ayna u Mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta dadaalka uu ugu jiro ka miro dhalintiisa.

Sidoo kale Shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Hey'adda Saybarka, Maareeye ku-xigeenka Hey'adda Isgaarsiinta Qaranka, Madaxa Mashruuca EA-RDIP iyo Mas'uuliyiin kale.

Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa waxa ay waddaa dadaal looga faa'iideysanaayo baahinta internetka si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo Horumarka Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM