Soomaaliya oo heshay mashruuc ka faa’ideysanayaan 2.5 milyan qof

Image
Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha soo laab-laabtey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkan uu guddoomiyey madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) waxaa ka qeyb galay Wasaarradaha Beeraha iyo Waraabka, Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha heer Federal iyo kuwa Hirshabeelle.

Sidoo kale shirkan waxaa goobjoog ahaa deeq-bixiyayaasha mashruuca dib u dhiska biyo xireenka Sabbuuni (JOSP) oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Denmark iyo lix Hay’addood oo ka mid ah Qaramada Midoobe oo ay hoggaamineysay FAO.

Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dardargelinta mashruuca dhismaha biyo xireenka oo ay ka faa’ideysan doonaan 2.5 Milyan.

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha, keydinta biyaha si loo isticmaalo marka ay jirto biyo la’aan, yareynta faqriga, kordhinta wax soo saarka, u adkeysiga isbeddelka cimilada.

“Dowladda Hirshabeelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo sahlaayo in la hirgeliyo dhismaha biyo xireenka Sabbuuni, hirgelintiisa faa’ido weyn ayay u tahay dadka Hirshabeelle," ayay tiri Madaxtooyadda HirShabelle.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay dadaalka waqtigan lagu bixinayo mashruuca JOSP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM