Soomaaliya oo Heshiis cusub la gashay Itoobiya [Akhri Qodobada]

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciysay inay heshiis cusub oo Taariikhi ah la gashay dowladda Itoobiya, xilli Villa Somalia ay cambaareyn kala kulantay heshiiskii is-afgaradka ee Farmaajo la galay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed June 2018.

Farmaajo ayaa u saxiixay Abiy Axmed Heshiis Is-afgarad ah oo Itoobiya ay ku maal-gashanayso dekedo ku yaalla dalka Soomaaliya, kuwaasoo dood badan laga keenay. [Halkan ka akhri Warka].

Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook-ga Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi ah kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta madax banaanida iyo midnimada.

Heshiiskan ayaa waxaa lagu saxiixay Addis Ababa kadib kulan ay halkaasi ku yeesheen mas'uuliyiin sare oo ka kala socotay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.

"Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa'ido ugu jirto labada dal," ayaa lagu yiri qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo sameeyay isku-shaandheyn kusoo aaday xili xasaasi ah

Cabdisalaam Cabdi Cali, oo lix bilood uun ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad, ayaa loo wareejiyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda.

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 07:42PM

Xasan Sheekh oo Shuruud ku xiray mar 3aad inuu u tartamo xilka Madaxweynaha

Muqdisho kaliya ayaa la sheegay inay macquul tahay in dadweyne ka codeeyaan, maadaama dowladda 100% xukunto.

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 01:15PM