Soomaaliya oo isku diyaarinaysa shirweynaha isbedelka cimilada

Image
Shirweynaha wadatashiga ee la qorsheynayo ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka deegaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale, ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo loogu diyaar garoobayo shirweynaha wadatashiga Tiirka Adkeysiga Cimilada ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gorfeyn lahaa qorshaha lagu wajahayo isbedelka cimilada ee dalka, iyada oo la isku diyaarinayo shirweyne wadatashi oo lagu falanqeyn doono arrintan muhiimka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu lafa-guray aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo la xiriira sidii loo horumarin lahaa qorshaha qaran ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada, iyadoo laga duulayo baahiyaha iyo caqabadaha jira.

Shirweynaha wadatashiga ee la qorsheynayo ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka deegaanka iyo horumarka waara ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM