Soomaaliya oo "ku qanacday" bayaanka Qadar ee warbixintii NYT

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay warbixintii New York Times ee ku eedeysay Qadar in ay ka dambeyso qarax ka dhacay magaaladda Boosaaso bishii May.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in dalkaasi Carbeed uu talaabadaasi u qaado si uu ucuryaami danaha Imaaraadka, maadaama marsada xarunta gobolka Bari ay maamusho shirkad wadankaasi laga leeyahay.

Dooxa oo ka fal-celisay macluumaadkaasi iskana fogeysay ayaa beenisay isha laga soo xigtay xogta oo lagu sheegay ganacsade ku dhow Amiirka Qadar oo cod ka duubay safiirka Qadar u fadhiya Muqdisho oo arrintaasi ka hadlaya.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo wareysi siiyey Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in xukuumadda federaalka ay aaminsan tahay "in aysan waxba ka jirin warbixintaasi".

"Safiirka Qadar oo xafiiska iigu yimid wuxuu ii caddeeyay in uusan la hadlin qofkaasi, kana hadlin kana shaqeynin arrintaasi," ayuu wasiir Cawad u dhigay hadalkiisa.

Wuxuu intaasi raaciyey: "War-saxaafadeed ay noosoo direen ayay ku sheegeen in aysan ku lug-lahayn dibin-daabo ka dhan ah Soomaaliya, ayna ka shaqeynayaa horumarka iyo nabadda [dalkeena].

Hadalka Cawad ayaa kusoo beegmaya iyadda oo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka codsaday labada gole ee baarlamaanka federaalka in ay baaritaan ku sameeyaan xaqiiqada warkaasi.

Cawad oo wax laga waydiiyay dalabka ka yimid Puntland ayaa ka gaabsaday, balse wuxuu ku cel-celiyey in dowladdu ay "aad ugu qanacsan tahay" sharaxaada ay bixisay dowladda Qadar.

"Deni wuxuu u hadlay Puntland, anna waxaan kuu sheegayaa mowqifka xukuumada federaalka iyo wasaarada arrimaha dibadda oo ah in aan ku qanacnay in Qadar aysan ka shaqeyn karin waxaasi iyo wax lamid ah," ayuu xusay.

Eedeymaha ayaa kusoo beegmaya iyadda oo wadamada Khaliijka uu khilaaf ka dhaxeeyo, isla markaana Sacuudiga, Imaaraadka iyo wadamo kale ay xayiraad kusoo rogeen Dooxa oo ay la xiriiriyeen "argagixisada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM