Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shir caalami oo ka furmay Paris [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

PARIS - Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ka qaybgalay shirka 86aad ee golaha guud ee Hay'adda caafimaadka xoolaha adduunka ee OIE .

Shirkan oo shalay [21-ka May] ka furmay magaalada Paris, ee caasimadda dalka Faransiiska, ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah khubaro ka tirsan wasaaradda xanaanada oo iyaga qayb ka ahaa shirar Farsamo oo gaar gaar ah.

Wasiirka ayaa shirka Golaha Guud la wadaagay xaaladda xoolaha Dalka dhanka cafimaadka, Ganacsiga iyo kordhinta tirada xoolaha, iyadoo sare loo qaadayo dhinac taranka.

Shirkan qaybtiisa heer wasiir waxaa diiradda lagu saaray samafalka xoolaha iyada oo aad loogu dhaliilay xadgudubyada ka dhanka ah xoolaha sida dhaawicidda, dayacidda iyo ku danaysiga daryeel la'aanta ah ee xoolaha.

Shirkan oo socon doona ilaa 27 bishan May, ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo wax tar u leh xoolaha maadaama dalkeena dhaqaalihiisa uu ku tiirsanyahay 60%.

Soomaaliya oo hadda kasoo kabanaysa ku dhawaad 30 sano oo colaad ah, ayaa isku dayaysa inay dib usoo nooleyso ilaheeda wax soo saarka, oo ay ugu horeeyaan Xoolaha iyo Beeraha, oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM