Soomaaliya oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Ruushka [Yaa ku matelaya..?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka h ee Soomaaliya ayaa lagu casuumey Shir heer caalami ah oo 16-ka bishaan April ka furmaya dalka Ruushka.

Safaaradda Soomaaliye ee Ruushka ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad uu dowladda ku mateli doono Shirka Moscow, oo ah mid u dhaxeeya Jaamacadda Carabta iyo Ruushka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in kulanka uu noqonayo midkii midkii 4aad oo ay ka qeybgasho dowladda, oo ugu dambeeyay kii lagu qabtey dalka Imaaraadka 2017.

Lama shaacin wali ajandooyinka Shirka Ruushka iyo madaxda dalalka Ururka Jaamacadda Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay safaradda joogtada ee madaxa sare iyo wasiiradda xilli dacayacaad amni iyo khilaafyo siyaasadeed ay ka jiraan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo Sii Xoogeysanaya, Halista Amniga Geeska Afrika 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah ugu eedeeyay kooxda Xuutiyiinta — oo taageero ka hesha Iran.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 05:38PM

Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenkii Jubaland oo geeriyoodey

Geeridiisu waxay tahay khasaare weyn oo soo gaaray Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ilaahay ha u naxariisto.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 04:33PM