Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ka qabsoomay magaalada Qaahira

Image
Shirkan ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika 20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labbaad ee Dalka Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar kaga qeyb galaya Kulanka 12aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12 oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dejinta Aadanaha (UN-Habitat).

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa dejinta yoolalka horumarinta waara, magaalaynta, xakameynta caqabadaha hadda jira ee caalamiga ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka kor u kaca kharashka nolosha, isbeddelka cimilada, la'aanta adeegyada aasaasiga ah iyo colaadaha adduunka ka socda.

Shirkan oo uu furay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Siisi ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika 20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM