Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay qaddiyada Falastiin

Image
Shirkaas waxaa ka qeybgalay Safiirka JFS u fadhiya dalka Malaysiya, Ali Mohamed Abukar (Ali Wolf).

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir xilliyeedka 9-aad ee sanadka 2024 ee Golaha Safiirrada Carabta u fadhiya Kuala Lumpur, ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 07/10/2024 laguna qabtay Maqaaxida Yaahalaa (Yahala Restaurant).

Shirkaas waxaa ka qeybgalay Safiirka JFS u fadhiya dalka Malaysiya, Ali Mohamed Abukar (Ali Wolf).

Qodobada shirkaas looga hadlay waxaa ka mid ahay: Cilaaqaadka Waddamada Carabta la leeyihiin Dalka Malaysiya iyo Qaddiyadda Falastiin ee hadda taagan iyo qodobbo kale oo xiisa leh.

Shirka waxaa kaloo lagu martiqaaday Dato’ Seri Timor Shah Rafiq oo isaguna shirka ka hadley wuxuu Danjirayaashana soo gaarsiiyay Martiqaad uu Sultan Nazrin Muizzuddin Shah ee Gobalka Perak(State of Perak)u fidiyay Safiirrada Carabta, martiqaadkaas oo socon doona 25-27 November 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM