Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayo caqabadaha biyo helida

Image
Madashaan ayaa waxaa lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indonesia.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Iyo Kheeyraadka Biyaha Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa lagu soo dhoweeyey Dalka Indonesia oo uu kaga qeeyb gelayo Shirka Madasha 10aad ee Biyaha ( 10th World Water Forum).

Madashaan oo lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indunuusia waxaa furay Madaxwaynaha waddankaas oo Khudbad ka jeediyey waxaana looga doodi doona caqabadaha Guud ee Biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan, iyo hirgelinta go'aamadii ka soo baxay Shirweeynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).

Wasiiru Dowlaha ayaa warbxin ka Jeediyey madasha, inta Madashu socotana kulamo gaar gaar ah ayuu la yeelan doonaa Wafuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo & Hey'addaha Hormarinta biyaha ka shaqeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM