Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Image
Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan dalalka Afrika.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Teknoloojiyadda.

Safiir Jabriil ayaa soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinayo Teknoloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta Qaranka.

Sidoo kale waxaa uu diiradda saaray adeegyada ganacsiga iyo horumarinta Waxbarashada sida e-commerce iyo e-education.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM