Soomaaliya oo ku biirtey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Image
Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda.

MUQDISHO, Soomaaliya.- Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya loogu doortay xubinimo aan joogta ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waa markii labaad mudo 52 sano ah Soomaaliya ay kursigan hesho waxaana arintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Soomaaliya ka sameysay arimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasada.

Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada.

Soomaaliya ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka.

Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda

Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa qeyb ku yeelan doonta go’aanada waaweyn ee aduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo ammaanka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM