Soomaaliya oo loo ansixiyey mashruucii ugu horeeyey gaar u ah Cimilada

Image
Kal-fadhigan ayaa lagu qabtay magaalada Incheon Songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.

Kal-fadhigan oo lagu qabtay magaalada Incheon Songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed. 

"Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah " ayey tiri Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi. 

"Soomaaliya waxa ay la timid ka go'naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, waxaana naga go'an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed," ayay tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM