Soomaaliya oo raadineysa iskaashi dhanka amniga ah oo la yeelato Ruushka

Image

MUQDISHO - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso in Ruushka ay kala shaqeyso arrimaha ammaanka, arrimaha bulshada iyo bini’aadantinimada, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee Moscow ay ka qaadaneyso sidii dalka uu u xasilin lahaa dhaqaalaha bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha amniga, bulshada, iyo bini’aadantinimada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay iska kaashadaan xasiloonida dalka.

Xasan Sheekh, ayaa dowladda iyo shacabka Ruushka uga mahadceliyay doorkooda dib usoo kabashadda Soomaaliya kaddib markii ay ka taageereen deyn cafinta, hannaankaas oo Soomaaliya ka caawiyay in ay gaarto heerkii ugu dambeeyay ee HIPC iyo sidii ay u heli lahayd deymo horumarineed oo badan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in taageerada Ruushka ay qeyb weyn ka qaadatay horumarinta waddada Soomaaliya ee dib u soo noolaynta dhaqaalaha iyo xasiloonida waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay taageerada joogtada ah ee Ruushka uu ka siiyo Soomaaliya howlgallada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

"Waxaan uga mahadcelineynaa sida ay Ruushka uga go'an tahay inay Soomaaliya ka caawiyaan la-dagaallanka argagixisanimada iyo horumarinta amniga qaranka," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa saaxiibada horumarinta si loo riixo amniga iyo xasilloonida. Dalku waxa uu la dagaallamaya xagjirnimada rabshadaha wadata labaatankii sano ee u dambeeyay, marka laga reebo xasillooni darro siyaasadeed oo gudaha ah.

Dhankiisa, danjire Golovanov ayaa xaqiijiyay sida ay Ruushka uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan dadaallada ay wax kaga qabanayaan caqabadaha amniga iyo hagaajinta xaaladaha bulshada iyo bini’aadantinimada, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Ruushka ayaa beryahan dambe waxa uu sahminayey habab uu uga ganacsado suuqyada Afrika, isaga oo si toos ah ula tartamaya Shiinaha iyo Maraykanka. Moscow waxa ay sidoo kale aad u doonaysaa in ay saldhig milatari ka samaysato Geeska Afrika, balse wali go’aan kama gaarin goobta ku haboon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxdii hore uu Axmed Madoobe u hambalyeeyay

Ugu dambeyn, waxaan usoo jeedinayaa Madaxweynaha Jubaland in uu kaalin mug leh ka qaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee cakiran.

  • Soomaliya

    25-11-2024

  • 10:30AM

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM