Soomaaliya oo shaacisay shuruudaha ay wadahadal kula galayso kooxda AS

Image
Tani ayaa imaaneysa xili si weyn loo hadal-hayo inuu wadaxaajood dhexmari karo labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Qadar ayaa martigelin doonta "wada-hadallada nabadeed" ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalyahannada Al-Shabaab, sidda ay wararka sheegayaan.

Wallow warkan si madax-banaan loo xaqiijin karin, haddana waxaa la sheegay inuu ka ka dhacayo Dooxa inta u dhaxeysa Luulyo 22-keeda illaa 24-keeda.

Shirka ayaa yeelan doona saddex weji oo kala duwan - wada-hadallo furan, wada-xaajood albaabadu u xiran yihiin iyo ansixinta go'aanka kama dambaysta ah.

Norway, Mareykanka, iyo Qatar ayaa waxa ay noqon doonaa dhexdhexaadiyeyaasha caalmiga ah ee kulanka.

Dhanka kale, lataliyaha amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkan oo si weyn baraha bulshada ugu faafay saacadihii lasoo dhaafay.

"DFS ayaan wax wada hadal ah kulama jirto Al-shabaab (Al-Khawaarij). Madaxweynaha ayaa shuruudo cad ku xiray dhacdadan," ayuu ku qoray baraha bulshada.

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Waa inay gooyaan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah, ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan," ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, Doha waxay horay u heshiisiisay Mareykanka iyo Taliban sanadkii 2020 taas oo aakhrikii keentay in Taalibaan ay la wareegto Afghanistan taasoo keentay in kooxda hubeysan ay aakhirkii la wareegaan xukunka waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM