Soomaaliya oo Shiinaha uga qeybgashay shir looga hadlay amniga

Image
Kulankan ayaa u dhaxeeyay Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliiska Bariga Afrika (EAPCCO).

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Salub Axmed Firin iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa ka qeyb galay shirkii u horeeyay ee Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliiska Bariga Afrika (EAPCCO).

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliska Bariga Afrika (EAPCCO) si looga hortago dembiyada Argagixisada, Dembiyada Abaabulan, iyo kuwa isaga gudba xuduudaha, si loo ilaaliyo badqabka dhammaan muwaadiniinta ku nool Bariga Africa iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Taliyaasha Boliiska Bariga Afrika iyo Dowladda Shiinaha ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham oo ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyada oo laga faa'idaysanaayo horumarka Teknolojiyadda casriga ah iyo tayeynta Hayadaha Amniga Bariga Africa.

Ugudanbeyn, waxaa la isla gartay muhiimadda joogteeyo kulamadaan, si loo adkeeyo is dhaafsiga khibradaha amni iyo kuwa farsamo ee Ciidanka Bolioska Bariga Africa iyo Dowladda Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM