Soomaaliya oo taageero dheeri dhanka amniga waydiisatay Turkiga

Image
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM