Soomaaliya oo taageero waydiistay dal ku biiray Golaha Ammaanka UN-ka

Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, US - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay dhigiisa Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Ireland, Leo Varadkar.

Villa Soomaalya oo war-saxaafadeed soo saarta ayaa shaaca ka qaadey in dhinacyadda ay kawadda xaajoodeen yag-leelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.

Estonia, oo ah dal dhaca waqoyga qaaradda Yurub, ayaa dhowaan waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub uu ku biiro xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in Farmaajo uu weydiistay Kaljulaid taageero ay dhanka diblomaasiyada iyo mid horumarinta  ah oo ay siiso xukuumadda federaalka ah.

"...Ireland waaa xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya," ayuu yiri xafiiska Farmaajo.

Dhinaca kale, Farmaajo, oo Mareykanka ugu sugan ka qeybgalka fadhiga loo dhan yahay ee UN-ka, ayaa la kulmay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina.

Hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika ayaa Adesina la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta oo sanadihii u dambeeyay dowladda xusul-duub ugu jirtay.

"...iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda.

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayaa ka qeybgalay shir uu gudoomiyey Donald Trump oo looga hadlay weeraradii dhowaan lagu qaadey ceelasha shidaalka Sacuudiga.

Shirkaas ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war-saxaafadeed lagu cambaareynayo falkaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta balse lagu eedeeyay Iiraan oo iska fogeysay.

Shirka guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa si rasmi ah Talaadada maanta ah ka furmayaa New York, iyadda oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 100 hogaamiyeyaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM