Soomaaliya oo UN-ka la wadaagtay dhibaatada isbedelka cimiladda

Image
Agasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson ayaa dalka ku timid booqasho shaqo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay Dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta Dawladda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM