Soomaaliya oo xayirtey $7 milyan loo uruuriyay maleyshiyadda AS

Image
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dagaalka dhanka maaliyadda ee dowladda kula jirto kooxda hubeysan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xayirtay lacag gaaraysa $7 Milyan oo loo waday maleyshiyaadka Al-Shabaab, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed.

Warkan qoraalkan oo fahfaahin dheeraad ah aysan la socon ayaa waxaa lagu caddeeyay in lacagtan ay kooxda hubeysan ka aruurisay ganacsato Soomaaliya sanado kala duwan.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ayadoo laga duulaayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lana dhaqan gelinaayo Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, waxaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in ay xayirto lacag gaaraysa Todobo Milyan ($7 Million), sidoo kalena ay xirto 670 taleefan lambaro iyo 110 akoono ganacsi (Merchant Accounts), oo ay kooxaha Khawaarijta u adeegsan jireen handadaada, uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya wax ka go'an in ay sii wado dagaalka curyaaminta Maaliyadeed ee ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna uga mahadcelinaysaaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ay ula shaqeeyaan Dowladda.

Sidoo kale Dowladdu waxa ay ka codsanaysaa muwaadin kasta oo la kulma dhaqdhaqaaq Maaliyadeed oo Khawaarijtu ay leedahay in uu deg deg ugu wargeliyo Hay'adaha Maaliyadda iyo kuwa Amiga si talaabo looga qaado.

Dowladda Soomaaliya waxa ay uga digeysaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada in aysan ogolaanin in ay bixiyaan lacagaha baadda ah o Khawaarijtu ay u adeegsadaan in ay ku dhibaateeyaan Umadda Soomaaliyeed.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM