Soomaaliya: Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo khasaaro geestay ayaa saaka oo Axad ah ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in laba ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr.

Qaraxa ayaa jugtiisa laga maqlay meel fog-fog oo magaalada katirsana, waxaana dadka ka agdhawaa ay sheegeen in miinada lagu qariyay goob qashinka la dhigo, oo ku dhaw albaabka laga galo Jaamacadda.

Labada ruux ee geeriyootay oo mid ka mid ah haweenay ay tahay, ayaa xilliga qaraxa uu dhacaayay waxa ay marayeen goobta sidaasi ayeeyna qaraxa ugu geeriyoodeen. 

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa degan xarunta Jaamacaddii hore ee Gaheyr oo sanadkii tagey ay ka guureen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, laakiin waxay saraakiisha Booliska oo goobta gaarey sheegeen in falkan uu yahay mid ay ka dambayso Kooxda Al Shabaab oo inta badan qaraxyada noocan ah ka fulisa dalka, gaar ahaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM