Soomaaliya: Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo khasaarooyin geestay ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ka kala dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Qarax miino ayaa saaka gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada dowladda Federaalka waxaa lagula eegtay nawaaxiga Warshadda hore Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus oo burbur xooggan gaarsiiyay gaariga ciidanka, islamarkaana ay arkayeen dhaawacyada dhowr Askari oo goobta laga qaadayo.

Hase yeeshee, Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya wali kama aysan hadlin qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, labo Askari ayaa ku dhaawacmay weerar bam-gacmeen ah oo lagu qaadey fariisin ciidana dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda labada weerar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay ku daba joogaan raggii weerarkan ka dambeeyay, islamarkaana gacantana lagu soo dhigi doono. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM