Soomaaliya: Saan-saan colaadeed oo ka taagan Gedo

Image
Image
Image
Image
Image

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Wararka aan ka helay gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay billaabeen dhaq-dhaqaaqyo military iyo guluf coladeed oo ka dhan ah Al Shabaab.

Colonel Cabdifitaax Maxamed Turbac, oo ah Taliyaha Guutada 49-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay duulaan Al Shabaab looga saareyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka ay kawada qeyb-qaadanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Jubbaland oo ay kaabayaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray Taliye Turbac in dhawaan Al Shabaab ay ka saareen deegaannoo dhwor ah, bals ay dib ugu soo laabteen markii ay ciidamada joojiyeen howlgalladoodii joogtada ahaa, balse hadda ay qaadayaan duulaan kama dambays ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa gacanta ku haya degmooyinka gobolka Gedo waxaana ka jira maamullo hoos taga Jubbaland, balse caqabada jirta ahaa ah in degmooyinka aysan isku gudbi karin, oo Al Shabaab ay go'doomisay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM