Soomaaliya: Saldhig lagu tababaro Al Shabaab oo la duqeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa duqeysay saldhig weyn oo lagu tababaro dagaalayahanada Al Shabaab kaasi oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa lagu xaqiijiyay weerarka, kaasi oo dhacay Axadii lasoo dhaafay, 24-ka December meel aysan magacaabin oo ku yaalla duleedka Kismaayo.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay 13 katirsanaa Al Shabaab, mana jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanka ay diyaaradaha gantaallada ku garaaceen.

Saraakiisha Jubbaland iyo Al Shabaab kama aysan hadlin howlgalka Mareykanka.

In ka badan 34 weerar oo dhanka cirka ah ayuu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya tan iyo bishii Maarso markii uu Trump bixiyay amar lagu kordhinayo duqeymaha ka dhanka ah Kooxaha mintidinta ee Al Shabaab iyo kuwa xiriirka la leh Daacish ee ku sugan Puntland.

Mid kamid ah duqeymahan waxuu Mareykanka la eegtay bishii November Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan Buuraha Galgala, ee gobolka Bari.

Bil kahor, duqeyn diyaaradeed oo AFRICOM ka gaystay gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxuu Pentagon-ka xaqiijiyay inay ku dhinteen 100 kamid ahaa Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM