Soomaaliya: Saraakiil loo tababaray isticmaalka hubka culus

Image
Saraakiishan ayaa ku biiri doonta furimaha dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gen Maadeey Shekh Nuur Ufuroow Oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Tababar Usoo xiray Saraakiil Iyo Saraakiil Xigeeno Laga Soo Xulay Guutooyinka iyo qaybaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed, kuwaasi oo la barayay Isticmaalka Hubka Culus oo Lagama Maar-maan u ah Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gen dayax cabdi cabdulle Ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada Ka Tirsan Qaybaha Iyo Guutooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , isagoo xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqqoon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka  muhiimka ah.

Intaas kadib Taliyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb deegaameed cusub oo loo hirgeliyay taliska Ciidanka dhulka , oo tiir-dhexaad u ah ciidanka xoogga dalka iyo bar hogaamineedka howlgalka dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM