Soomaaliya: Sida loo baalmaro canshuuraha dowladda

Image

Lacago malaayiin dollar ayaa dawladda Soomaaliya uga lunta shirkadaha qandaraaska ka haysta Qaramada Midoobay oo baal mara heshiis ay dawladdu la gashay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay qiratay in qaar ka mid ah agabka loo keeno ee canshuur dhaafka ah ay galaan suuqa madaw, hase yeeshee waxay ku tilmaantay in falalkaasi ay yihiin kuwo dambiyeed, dawladdana ay ku garab taagan yihiin bixinta canshuurta.

Sannadkii 2015-kii, Qaramada Midoobay waxay shaqada ka joojisay shirkad ku xadgudubtay heshiiska canshuur-dhaafka u samaynaya adeegyada iyo agabka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale waxaa kale oo malaayiin kale ay uga lumaan shirkado kale oo gaar loo leeyahay oo waddanka jooga oo aan bixin wax canshuur ah.

Waa mowduuca barnamaijka Galka Baarista, waxaa inoo haya Haaruun Macruuf. HALKAN KA DHAGEYSO 

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM