Soomaaliya: Sida loo baalmaro canshuuraha dowladda

Image

Lacago malaayiin dollar ayaa dawladda Soomaaliya uga lunta shirkadaha qandaraaska ka haysta Qaramada Midoobay oo baal mara heshiis ay dawladdu la gashay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay qiratay in qaar ka mid ah agabka loo keeno ee canshuur dhaafka ah ay galaan suuqa madaw, hase yeeshee waxay ku tilmaantay in falalkaasi ay yihiin kuwo dambiyeed, dawladdana ay ku garab taagan yihiin bixinta canshuurta.

Sannadkii 2015-kii, Qaramada Midoobay waxay shaqada ka joojisay shirkad ku xadgudubtay heshiiska canshuur-dhaafka u samaynaya adeegyada iyo agabka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale waxaa kale oo malaayiin kale ay uga lumaan shirkado kale oo gaar loo leeyahay oo waddanka jooga oo aan bixin wax canshuur ah.

Waa mowduuca barnamaijka Galka Baarista, waxaa inoo haya Haaruun Macruuf. HALKAN KA DHAGEYSO 

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM