Soomaaliya: Talaabooyinka Kenya waxay kasoo horjeedaan derisnimadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay ka fal-celisay talaabooyinka Kenya ay cadaadiska diblumaasiyadeed ku saareyso Soomaaliya.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Muqdisho, ficiladaasi ayaa waxay meel ka dhac ku yihiin damaanada derisnimadda.

Bayaanka ayaa imaanaya xili xukuumada Nairobi ay todobaadkaan ay diiday Baasaboorka diblumaasiga Soomaaliya ayna baaritaano ku sameysay Xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi.

Isniintii ayay ahayd markii wasiiro iyo Xildhibaano Soomaaliyeed lagu xayiray garoonka diyaaradaha Nairobi xili sababta loogu sheegay in aysan wadan dal ku galka.

Intaasi waxaa wehlisay in horaantii bishaan ay Kenya joojisay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadda oo qiil ka dhiganeysa "hubin dhanka amniga ah".

"Sidaasi awgeeda, dowlada Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Kenya in ay tixgeliso joojinta ficiladaasi ayna xormeyso xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo dhaqanka diblumaasiyadda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhaqdhaqaaqa Kenya ayaa salka ku haya damac uga jira biyaha Soomaaliya oo horaanta sanadkaan go'aan ay ka soo saari doonto Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Dacwadaasi ayaa ku saabsan muran ay Kenya gelisay biyaha badda Soomaaliyeed oo qayb kamid ah ay sheeganeyso xili wareegii koowaad ay ku guuleystay Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa tilmaamaya Kenya ay daneynayso in laga laabto dacwadaasi si hoosena loo xaliyo kiiska, balse xukuumada Muqdisho ayaa ku gacan-seyrtay arrintaasi.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM