Soomaaliya v Itoobiya: Labada qodob ee la isku mari la’yahay shirka Ankara

Image
Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa sheegay in wufuud ka kala socotay labada dal aanay yeelan kulamo fool ka fool ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wada-hadallo aan toos ahayn ku leh magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan inay soo afjaraan khilaafkii dublamaasiyadeed ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay la gashay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa sheegay in wufuud ka kala socotay labada dal aanay yeelan kulamo fool ka fool ah. Taas bedelkeeda, Turkigu wuxuu ciyaarayay doorka dhex dhexaadinta ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si gooni gooni ah ula kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taye Atske Selassie ee Itoobiya.

Sida laga soo xigtay sarkaal ku dhow wada-hadallada, oo codsaday inaan la aqoonsanin sababtoo ah xasaasiyadda ku xeeran, Fidan waxa uu dhinacyadda la kulmay laba jeer Isniintii si ay u soo yareeyaan khilaafkooda.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga wada tashanayo ayaa loo malaynayaa inay ka mid yihiin halka uu ku dambayn doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyay, ama MOU, ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland 1-dii January, iyo raadinta Itoobiya oo dhinaca badda ah.

"Waxaa la isku haayaa luuqada looga laabanayo heshiiskaas iyo hanaanka Itoobiya ay badda ku helay so," ayuu yiri diblumaasi la hadlay Garowe Online oo magaciisa ka gaabsaday.

Sida heshiiska qayb ka ah, Somaliland waxa ay Itoobiya ka kirayn doontaa dhul dhan 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ah dhul xeebeedkeeda si ay uga samaysato saldhig ciidamada badda. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan doontaa madaxbannaanida Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM