Soomaaliya: Wafdi ka socda QM oo soo gaaray Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa saaka kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Filippo Grandi, oo ah madaxa Hay'adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa hogaamiyanaya wafdiga yimid Muqdisho, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay xubno katirsan Xukuumadda FS.

Maxamed Cabdi Afeey, oo ah Wakiilka QM ee dib usoo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka ku yaalla Geeska Africa ayaa la socda madaxa hay'adda UNHCR ee Filippo Grandi.

Filippo Grandi ayaa Villa Soomaaliya kulan kula qaatey Madaxweyne Farmaajo, oo ay kawada hadleen sidii UNHCR u caawin lahayd Barakaciyaasha iyo dadka qaxootiga ah ee dibadda kasoo laabtey, kuwaasi oo hadda dhibaataysan gudaha dalka.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriiraa u kuurgalista xaaladda qaxootigii kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ee waqooyiga bari ee Kenya, kuwaasi oo ku kala sugan goobo kala duwan oo Muqdisho ay kamid tahay.

Waxaa lagu wadaa Filippo Grandi inuu gaaro magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, oo uu ku booqan doono Soomaalida qaxootiga ku ahaa Kenya ee dhawaan dib dalka loogu soo celiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM