Soomaaliya: Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo baaq diray [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kadib markii shalay xilka loo magacaabay.

Waxaa Garoonka ku qaabilay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Khayre oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisow, Wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Canshuur, duqa Muqidsho Thaabit Cabdi Maxamed iyo xubno kale.

Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed inay ka caawiyaan sidii uu u gudan lahaa waajibaadka loo igmaday.

Wasiirka cusub ayaa lagu bedelay Cabdi Faarax Saciid Juxa, oo shalay isaga iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga xilalkoodi uu ka qaadey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Cabdi Maxamed Sabriye, oo ah shaqsi ku cusub saaxadda Siyaasadda dalka, ayaa waxa ay qaraabo dhaw yihiin Siyaasiga Xukuumadda Khayre ay xirtay dhawaan Cabdiraxmana Cabdishakuur, oo sidoo kalena hadda dacwadiisa socoto.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo ah Ganacsade mudooyinkii dambe ku noolaa Kenya, ayaa magacaabistiisa waxay timid xilli Xukuumadda ay isku dayayso inay xal u hesho mashaakillo gudaha uga furan oo ay kamid tahay arinta Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Mas'uulkan ayaa lacag badan ku bixiyay guushii Farmaajo uu ka gaarey doorashadii Febuary 8, 2017, isagoo xilligaasi loo balan-qaadey in laga dhigayo Ra'iisul Wasaare, balse hergeli-wayay qorshaasi. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM